Jimco, Janaayo, 18, 2019 (HOL)- Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in maanta uu dagaal xooggan uu dhex maray ciidamo Itoobiyaan ah iyo xoogagga Ururka Al-Shabaab.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay dagaalka oo leysku adeegsaday hub culus uu sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Al-shabaab oo dhankooda ka hadlay dagaalanka waxaa ay sheegeen in ay ku dileen dagaalka 53 Askari, laakiin ma jiraan ilo madax-bannaan oo warkaasi xaqiijinaya.
Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca taliska ciidamada AMISOM qeybtooda Koonfur galbeed oo ka hadlayay dagaalkan dhaxmaray ciidamada Itoobiya iyo Al-shabaab.
No comments:
Post a Comment