![](https://www.hiiraan.com/images/2019/Jan/2019123636838053474709886sgeeeee.jpg)
Arbaco, Janaayo, 23, 2019 (HOL)- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ahna Guddoomiyaha Xisbiga UPD ayaa sheegay in dalka oo gacan adag lagu qabto laga dhax-lay dhibaatooyin badan oo maanta dalka ka jira.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya waxaa uu sidoo kale sheegay in Soomaaliya aysan u baahneyn in ay maanta dunida ay ku buuqdo, xilli dad Soomaaliyeed oo badan ay ku sugan yihiin daafaha Caalamka ayna ku jooggaan si sharaf leh.
Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa u muuqda in goor horeba uu sii bilaabay Olalihiisa doorasho ee madaxtinimada dalka, waxaana uu ka mid yahay siyaasiyiinta ka soo horjeeda dowladda uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
No comments:
Post a Comment