Sabti, Janaayo, 19, 2019 (HOL)- Duhurnimadii shalay ayeey aheyd markii koox hubeysan rasaas ku fureen guddoomiyihiii dhalinyaradda degmada Hodan ee gobolka Banaadir oo lagu magacaabi jiray Sakariye Hadaafoow, waxaana rasaasta lagu furay ka soo gaaray dhaawac culus.
Kooxda weerarka ku qaaday ee toogashada ka danbeysay ayaa la sheegay in ay markii ay rasaasta ku fureenba goobta isaga baxsadeen.
Inkastoo ciidamada dowladda Soomaaliya bilaabeen baaritaanno islamarkaana hadda ilaa ioy hadda lama sheegin cid loo qabtay dilka Guddoomiyihii Dhalinyarada degmada Hodan iyo cid weli sheegatay mas’uuliyadda dilka, hasse ahaatee ma’aha markii ugu horeysay oo sidan oo kale loo beegsado hoggaaanka dhalinyarada qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir oo toogasho lagu dilay.
No comments:
Post a Comment