Jimco, Janaayo, 18, 2019 (HOL) –Wasiirka ku-xigeenka Wasaarradda Amniga maamulka Koonfur Galbeed Cabdirisaaq Cali Aadan ayaa warbaahinta u sheegay in Al-shabaab ku dhawaad 100 ruux oo rayid ah ka qaafasheen deegaanno ka tirsan gobolka Bakool.
Sidoo kale wuxuu sheegay in ay ku jiraan dad ay ku eedeeyeen in ay basaas u yihiin dowladda iyo kuwa kale oo ay ku sheegeen in ay ka mid ahaayeen ergooyinkii soo doortay xildhibaannada.
Dadka la qafaashay ee ku maqan gacan ururka Al-shabaab ayaa sidoo kale waxaa ka mid ah dadka iyagu ka ganacsada Khaadka oo aan laga ogoleyn deegaannada ay maamulaan Al-shabaab, kuwaa oo la qabtay iyaga oo Khaad u iibgeynaya dhulka ay dowladdu maamusho.
Taliska ciidamada Booliiska maamulka Koonfur Galbeed ayaa dhinacooda sheegay in ay qorsheynayaan howlgalo ay ku doodanayaa in ay ku soo furtaan dadka la heystayaasha ah ee ku jira gacanta Al-shabab.
Al-shabaab ayaa go’doomin ku haya deegaannada ay dowladdu maamusho ee gobollada Baay iyo Bakool gaar ahaan degmada Xudur ee xarunta u ah gobolka Bakool.
No comments:
Post a Comment