Talaado, Janaayo, 22, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta horgeeyey Golaha Wakiillada Puntland codsi muddo kororsi ah oo ku saabsan magacaabidda Golaha Xukuumadda Puntland, muddada uu Madaxweynuhu ka codsaday Golaha Wakiillada Puntland ayaa dhammayd 14 cisho.
Fadhiga oo ay soo xaadirtay 66da xildhibaan ayaa waxaa shir guddoomku ahaa afhayeenka Baarlamaanka, Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed).
"Waxaa sharaf weyn ii ah inaan hor imaado golaha oo ku jira kalfadhigiisa caadiga ah ee maalmeed, sidaad la socotaan waxaa kalsoonidii aan ku shaqayn lahaa isiiseen 08 January 2019 oo idoorateen inaan shanta sano ee soo socota noqdo Madaxweynaha Dowladda Puntland aad iyo aad Ayaan idiinka mahadcelinayaa". ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.
Sidoo kale,Madaxweynaha Puntland ayaa Golaha Wakiillada Puntland ka codsaday muddo kororsi ku aaddan magacaabidda Golaha Xukuumadda Puntland, waxaa uu Madaxweynuhu ka hor akhriyey codsigaasi mudanayaasha Golaha Xukuumadda Puntland.
"Sida uu dhigayo Dastuurka dowladda Puntland qodobkiisa 80-aad farqadiisa 4-aad, qodobka 64-aad farqadiisa 16-aad, markaan la tashaday Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland waxaa nala haboonaatey inaan waydiisano Golaha Wakiillada Dowladda Puntland mudo kordhin 14 maalmood ah oo ka bilaabmaysa 28 January 2019". ayuu yiri madaxweynaha Puntland.
Ugu danbeyn, Golaha Wakiillada Puntland ayaa cod aqlabiyad ah ku aqbalay codsiga Madaxweynaha Puntland ku dalbaday muddo kordhin loogu sameeyo, wakhtiga laga rabo inuu soo dhiso Xukuumadda cusub ee Puntland, 45 xildhibaan ayaa u codeeyey oo aqbalay codsiga Madaxweynaha Puntland.
No comments:
Post a Comment