![](https://www.hiiraan.com/images/2019/Jan/2019123636838241334511672Garoowe.bmp)
Arbaco, Janaayo, 23, 2019 (HOL)- Munaasabad ka dhacaysa daba-yaaqadda bishan magaalada Garoowe oo lagu caleema-saarayo madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo ku-xigeenkiisa ,Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa hadal hayn xooggan dhalisay, kaddib markii la sheegay siyaasiyiinta dowladda ka soo horjeedda iyo madaxda sare ee dowladda federaalka inay ka qaybgalayaan.
Guddiga qaban qaabadda xafladda oo xubno ka mid ah oo la hadlay HOL, ayaa sheegay waxa ay ka shaqeynayaan inay tahay sidii ay u dhici lahayd xaflad ka tarjumaysa Puntland iyo muhiimadda ay u leedahay dadka Soomaaliyeed.
Madaxweyne Farmaajo, ayaa la filayaa inuu Garoowe tago si uu xafladda uga qaybgalo, sidoo kale wasiirro xukuumadda ka tirsan iyo labada gole ee Baarlamaanka ayaa ka mid ah dadka lagu martiqaadday xafladda.
Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed oo labaduba madaxweyne ka soo noqday dowladda dhexe ayaa iyaguna la filayaa inay xafladda ka qaybgalaan. Hoggaamiyayaasha dowlad-gobolleedyada ,xubno matalaya beesha caalamka iyo safiirro ayaa iyaguna ka qaybgalaya xafladda.
Balse, hadal haynta ugu xooggan ayaa ah munaasabadda inuu ka qaybgalayo hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ee inta badan dhaliila siyaasadda madaxda federaalka.
Waxa ugu horreeya ee isha lagu hayo, marka laga soo tago jawiga ay munaasabadda ku dhici karto, waxa ay tahay hadallada ay jeedin doonan madaxda dowladda federaalka iyo siyaasiyiinta ka soo horjeedda ee xafladda lagu wado inay ka qaybgalaan.
"Munaasabadda way ka dhowrsantahay arrimaha siyaasadeed" ayuu yiri mid ka mid ah guddiga qaban qaabada xafladda oo ka gaabsaday in magaciisa la baahiyo.
Xafladda waa la filaya inay dhacdo 26 bishan Jannaayo,iyadoo aad loo adkeeyay amniga magaalada xarunta ah ee Garoowe, halkaas oo ay howlgallo ka wadaan ciidan loogu talagalay sugidda amniga maalmaha ay socoto xafladda caleema-saarka.
No comments:
Post a Comment