Jimco, Janaayo, 18, 2019 (HOL)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa magaalada Beydhabo kulan gaar ah kula qaatay madaxweyne ku-xigeenka dowlad gobolleedka Puntland Axmed Karaash oo halkaa u tagay ka qeybgalka munaasabadii caleemo saarka madaxweynaha Koonfur Galbeed.
Madaxweynaha cusub ee Puntland oo Saciid Cabdullaahi Deni ayaa wareysigiisii ugu horeeyay markii xilka loo doortay ku sheegay in uu raacayo dastuurka Puntland waxa uu ka qabo xiriirka uu la leeyahay dowlada federalka
Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa siweyn uga soo horjeeda siyaasada dowladda dhexe Soomaaliya, waxaana uu ka mid ahaa tirarka ugu waaweyn isbaheysiga dowlad gobolleedyada oo hadda u muuqda mid meesha ka sii baxaya.
Kulanka Madaxweyne Farmaajo uu la yeeshay Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa yimid kadib markii dhowaan uu sheegay Madaxweynaha dowlada federalka in uu wanaajin doono xiriirka kala dhexeeya dowlada federalka Maamul goboleedyada dalka.
No comments:
Post a Comment