![](https://hiiraan.com/images/2019/Jan/2019122636837335783514190largebtyuu.jpeg)
Talaado, Janaayo, 22, 2019 (HOL)- Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax khasaare sababay oo goor dhaw ka dhacay magaalada Muqdisho.
Sidoo kale waxaa qaraxan la sheegay in uu ku dhaawacmay Askari ka tirsanaa ciidamada Booliiska dowladda Soomaaliya sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.
Xaley ayeey aheyd markii Qarax lagu soo xiray gaari nooca gurmadka deg deg ah lagu dhaawacay Dhakhaatiir Ajnabi ah magaalada Muqdisho.
Saraakiisha ammaanka, ayaa sheegay inay wadaan baaritaanka ku aadan cidda miinada halkaasi galisay ee qarxisay, waxaase meesha laga qaaday maydka labada ruux.
No comments:
Post a Comment