Sabti, Janaayo, 19, 2019 (HOL)- Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in dalalka Carabta ka cafiyaan deymaha,si ay taasi Gogal-xaar ugu noqoto saamaxaadda deymaha ee caalamka intiisa kale.
“Taageerada Caalamiga ah iyo tan Jaamacadda Carabta ee dalka waa lagama maarmaan waana xaq walaalnimo, si loo xaqiijiyo qorshayaasha leh mudnaanta islamarkaana loo daboolo caqabadaha caqabadaha dhinaca ammniga, dhaqaalaha iyo Bulshada” ayuu yiri Wasiirka Maaliyada.
Waxa uu mahad celin u jeediyay, Wasiirka Maaliyadda, C/raxmaan Ducaale Beyle, dalalka Sacuudiga iyo Aljeeriya oo ka cafiyay deynta Soomaaliya, taasi oo ka dhigan deynta haatan lagu leeyahay dalka in ay tahay 4.6 Bilyan oo dollar oo ay ku jirto 1.1 Bilyan oo ay leeyihiin dowladaha Carbeed.
Hay’adda lacagta Adduunka ee IMF ayaa dhowaan ku ammaantay Dowladda Soomaaliya sida ay uga gudubtay wajiga koowaad ee sharuudaha deyn cafinta.
No comments:
Post a Comment