Sabti, Janaayo, 19, 2019 (HOL)- Booliska Kenya ayaa laga soo xigtay in la xiray xaaska iyo Aabbaha dhalay ninkii isku qarxiyay weerarkii Talaadadii la soo dhaafay lagu qaaday dhismaha DusitD2 ee magaalada Nairobi, kaddib howlgal ay ciidanka amniga ka fuliyeen magaalo xeebeedka Mombasa.
Ninka isku qarxiyay dhismaha DusitD2 ee Mahir Khalid oo 25 jir ah , ayaa ku dhashay kuna soo barbaaray magaalada Mombasa,waxana uu ka soo laabtay dalka Soomaaliya 13kii bishan kaddib markii uu tababbar muddo sannad ah soo qaatay,sida ay Booliska Kenya sheegayaan.
Mahir,ayaa isku qarxiyay bannaanka 'Secret Garden' qaybta hoose ee la fariisto dhismaha DusitD2, ka hor inta aysan afar dagaalyahan oo hubeysan aysan gudaha u galin dhismaha oo dadka u toogan sida aan kala sooca lahayn.
No comments:
Post a Comment