Sabti, Janaayo, 19, 2019 (HOL)- Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo safar shaqo ku jooga dalka Turkey ayaa kulan la qaatey ku simaha agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka dalka Turkey.
Xariirka Soomaaliya iyo Turkey ayaa ah mid sii xoogeysanaya oo dhinacyo badan leh, waxaana jira isku socod dhinacyada dadka iyo ganacsiga ah oo ka dhaxeeya labada dal.
Agaasimaha guud ayaa sidoo kale booqdey safaaradda Soomaaliya ay ku leedahey dalka Turkey, isaga oo kulamo la qaatey madaxda safaaradda iyo saraakiisha socdaalka ee ka howlgala.
Dowladda Soomaaliya ayaa xoojineysa xariirka iyo wadashaqeynta dalalka caalamka,iyadoo Turkiga uu ka mid yahay dalalka xiriirka ugu wanagsan uu kala dhaxeeyo Soomaaliya.
No comments:
Post a Comment