Khamiis, Janaayo, 17, 2019 (HOL) –Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxay dab weyn oo goor dhaw qabsadya kaalin shidaal oo ku taala Isgoyska Banaadir meel aan sidaa uga fogeyn xarunta Wasaarradda arrimha dibedda Soomaaliya.
Gudoomiyaha Degmada Hodan Cabdikariin Dhega-Juun ayaa gaaray goobtaasi dabka qabsaday waxa uuna warbaahinta kula hadlay isla goobtaasi, isaga oo sheegay in khasaare nafeed uusan geysan dabkaasi.
Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dabka waxaana soconaya gurmad xoog leh oo la doonayo in lagu damiyo.
No comments:
Post a Comment