Khamiis, Janaayo, 17, 2019 (HOL) – Munaasabad lagu soo bandhigayey liisamada wadida gaadiidka ayaa lagu qabtay wasaaradda Gaadiidka iyo Jidadaka xarunteeda Laascaanood xarunta gobolka Sool.
Isuduwaha wasaaradda Gaadiidka Candikhadar Cali oo ugu horayn ka warbixiyey munaasibadan ayaa si aad ah ugu dheeraaday baahida loo qabo hubinta wadaha Gaadiidka si laysugu dayo in la yareeyo shilalaka Gaadiidka oo aad waqtigan u badan.
"Waxaa muhiim ah wadaha gaadiidku in uu maro imtixaan ka sokow wadidida, Buugaan waxaa ku yaala 400 oo su'aalood waxaa qofkasta la weydiinayaa afartan ka mid ah haduu ka jawaabo 62.2% waxa uu u gudbayaa imtixaanka wadida gaadiidka oo ay qaad ayaan shaqaale loo soo tabaray" sidaana waxaa idhi Agaasimaha waaxda Liisamada iyo Bugaagta Ayaan Cabdicasiis.
C/casiis Xuseen Xasan maayirka magaalada Laascaanood ayaa si weyn u soo dhoweeyey hawshan wasaaradu ka bilawday gobolka oo uu sheegay in ay xal u tahay dhibaatooyin xoogleh oo masuuliyad xumo sababteeda leedahay.
"Waxaa muhiim ah in xal loo helo dhibaatada shilalaka Gaadiidka oo bulshada dhib ku haysa. Mana jirayso wadde aan liisan haysan inuu gaadhi kexeeyo taasna ciidamada amar ayay ku qabaan laamaha qaabilsan" ayuu yidhi Gudoomiyaha Gobolka Sool Cabdiqani Jiidhe oo intaas raaciyey in xal loo helo gaadiidka bajaajta oo aad dhibkoodu haatan u badan yahay.
Si kastaba ha ahaatee talaabadan ayaa la filayaa in ay wax weyn ka tarayso shilalaka Gaadiidka oo badanaa ay wataan dhalinyaro aad u yar siiba Bajaajta.
No comments:
Post a Comment