Isniin, Janaayo, 21, 2019 (HOL)- Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay warka ku saabsan Nin Ajnabi ah oo u dhashay dalka Britain oo lagu qabtay gudaha garoonka diyaaradaha xili uu doonayay in uu raaco diyaarada Ethiopia Airlines
Wasiir Oomaar ayaa sheegay inkastoo laga shakiyay Ninkan haddana uu sheegay in walxaha uu sitay aysan aheyn kuwa qarxa laakiin uu ahaa uu sitay walxaha loo adeegsado Qiiqa dadka Ilmada ka keena.
“Maalinimadii sabtiga aheyd, waxaa la qabtay nin ajnebi ah oo watay boorso laga shakiyay, weli waxaan wadnaa baaritaan wixii kasoo baxana waan idiinla wadaagi doonaa” ayuu sheegay wasiir Oomaar.
Wasiirka Gaadiidka iyo duulista hawada Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa la hadlay VOA ayaa sheegay in Amniga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde yahay mar walba mid leysku haleyn karo.
Wasiir Oomaar ayaa ugu danbeyntii sheegay in wali ninkan uusan dalka ka bixin, gacantana ay ku hayaan hay’addaha Amniga oo laga sugayo in ay soo saaraan barista ugu danbeysa.
No comments:
Post a Comment