Qarax ayaa lagu soo waramayaa caawa fiidkii inuu ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan meel ku dhaw Dalcadda C/qaasim.
Qaraxan ayaa ka dhashay gaari nuuciisa uu yahay Ambulance oo la soo hoos geliyay waxyaabaha qarxa.
Waxaa la sheegay gaariga la beegsaday inay saarnaayeen Dhaqaatiir isugu jirtay Somali iyo Syrian.
Inta la xaqiijiyay Shan Dhaqaatiir ah oo laba ka mid ah ay yihiin Syrian ayaa dhaawac uu soo gaaray, kuwaasi oo xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo isbitaalka Digfeer, waxayna Dhaqaatiirtan ka tirsan yihiin Isbitaalka Muqdisho City.
Dhaqaatiirta qaar ayaa inoo sheegay inay uga shakisan yihiin gaariga in qaraxa lagula soo xiray Garoon Kubadda Cagta ah ee JOBKEY oo galabta ay aadeen Dhaqaatiirta la dhaawacay.
Hay’adaha ammaanka ayaa waxa ay sheegeen inay wadaan baaritaan la xiriira qaraxan, islamarkaana dib ka soo sheegi doonaan wixii faah faahin ah.
Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa maalmahan dambe faraha ka baxay, kadib markii ay kordheen dilalka ay Shabaab ka geysanayaan Caasimadda.
No comments:
Post a Comment