Axad, Janaayo, 20, 2019 (HOL)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo uu wehliyo Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Kulan gaar ah la qaatey guddi ka socda Golaha Odayaasha dhaqanka ee koonfur Galbeed
Odayaasha dhaqanka ayaa guddoomiyaha golaha shacabka iyo madaxweynaha Koonfur Galbeed u gudbiyay xaaladaha guud ee deegaanadan iyo sida ay muhiim u tahay dib u heshiisiin dhab ah oo deegaanada maamulkan ka hirgasho.
Sidoo kale odayaasha dhaqanka waxay sheegeen in ay diyaar u yihiin sidii loo xalin lahaa tabashooyinka ay qabaan dadka deegaanadan iyo la shaqeynta madaxweynaha cusub iyo maamulkiisa.
Dhinaca kale madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa odayaasha dhaqanka uga mahad celiyay Sida ay uga go’antahay horumarka iyo maamul wanaaga deegaanadan, isagoo balan qaaaday in mamulkiisa uu diyaar u yahay in uu la fariisto cid walba oo tabasho qabta si loo xaliyo deganaanshaha deegaankana looga wada shaqeeyo.
Guddoomiyaha Golaha shacabka ayaa u mahad celiyay odayaasha dhaqanka iyo guud ahaan bulshada deegaanadan, wuxuuna kula dar-daarmay in wax walba laga horumariyo danta dadka deegaanka ayna la shaqeeyaan maamulka cusub ee dowlad goboleedka koonfur Galbeed, si dadka dowlad Goboleedkan ay u helaan nabad gelyo waarta iyo maamul wanaagsan.
No comments:
Post a Comment