Hindesiyaashani cusub ayuu uga gol-leeyahay sidii loo soo afjari lahaa hakadka ku yimid hawlaha qaar ee dowladda Mareykanka oo xirnaa muddo ka badan afar usbuuc.
Xildhibaanada xisbiga Dimuquraadiga ayaa ku gacan seyray dalabka Trump ee ah in uu dhaqaale u helo dhismaha gidaarkaasi. Hakadka ku yimid hawlaha qaar ee dowladda ayaa saameeyay 800,000 oo qof oo ah shaqaalaha dowladda dhexe.
Trump oo ka hadlayay Aqalka Cad ee Mareykanka looga arrimiyo ayaa sheegay in muddo saddex sano ah oo dheeraad ah loo ogolaanayo in ay Mareykanka sii joogaan oo ay ka shaqeystaan muhaajiriinta iyaga oo da'yar sharcidarro lagu keenay gudaha Mareykanka.
Dadkani ayaa hadda aanan waddanka laga musaafurin karin isla markaana loo ogol yahay in ay waddanka ka shaqeystaan balse aanan loo ogolayn in ay qaadaan dhalashada Mareykanka.
Madaxweyne Trump ayaa isku dayay in muhaajiriintani markii hore Mareykanka sharcidarrada ku galay dalka laga musaafuriyo.
Trump ayaa sidoo kale sheegay in dadka soogalootiga ahi ee sida kumeel gaarka ahi loogu ogolaaday in ay dalkaasi ku sii noolaadaan uu siinayo muddo kordhin saddex sano ah.
Inkabadan 300,000 oo qof oo ka kala yimid waddamada ay colaaduhu ragaadiyeen ayaa haatan si ku meel gaar ah loogu ogol yahay in ay ku noolaadaan isla markaana ka shaqeystaan gudaha Mareykanka, waxaana madaxweyne Trump uu in muddo ah doonayay in dadkaasi dalka laga musaafuriyo.
Warbixin qoraal ah oo ay soo saartay guddoomiyaha aqalka Kongareeska, Nancy Pelosi, oo ka tirsan xisbiga Dimuquraadiga ayaa lagu sheegay in qorshaha Trump uu yahay mid aan la aqbali karin oo horeyba loo diiday isla markaana uusan daacad ka ahayn.
No comments:
Post a Comment