![](https://hiiraan.com/images/2019/Jan/2019123636838251530227320Screenshot_2019-01-01-22-29-12-1-696x392.png)
Arbaco, Janaayo, 23, 2019 (HOL)-Xiisad siyaasadeed ayaa lagu soo warramaya in maalmahan ba ay ka taagneyd Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.
Waxaa jira warar hoose oo sheegaya in madaxweynaha deegaanka uu caqabada ugu badan kala kulmayo siyaasiyiin horay uga tirsanaa xukuumaddii hore oo aan la dhacsaneyn qaabka uu wax u wado, ayna doonayaan in markale qeyb ka noqdaan golaha fulinta ee xisbiga dowlad deegaanka, mowqifkaasi oo uu taageersan yahay Axmed Shide, Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee deegaanka.
Inkastoo aysan si rasmi ah u soo shaac bixin waxa ay isku hayaan labada dhinac ayaa haddana dadka qaar ee fallanqeeya arrimaha siyaasadda waxa ay aaminsan yihiin in la isku hayo cidda qeyb ka noqoneysa golaha fulinta ee xisbiga dowlad deegaanka oo lagu wado in uu dhawaan yeesho shirweyne.
Golaha wasiirrada dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa lagu wadaa in ay arinta shir ka yeeshaan, iyadoo magaalada Jigjiga laga soo sheegayo degganaansho la`aan siyaasadeed.
Madaxweyne Mustafe Cagjar oo xilka loo doortay bishii August ee sanadkii 2018 ayaa hadda u muuqda in uu wajahayo caqabado badan oo ku aadan sidii cadaalad loogu heli lahaa dadka tacadiyada kala kulmay Maamulkii hore ee deegaanka.
Dadka badan ayaa ka shaki qaba in labo arrimood midkood uu keeni doono khilaafka la sheegayo oo kala ah in uu galaafan doono Mustafe Cagjar, iyo in uu wiiqi doono saameynta Axmed Shide, oo ay xulafo yihiin dowladda federaalka Itoobiya.
No comments:
Post a Comment