![](https://www.hiiraan.com/images/2019/Jan/201912363683826133445935750399527_328791127750043_2592023045287706624_n.jpg)
Arbaco, Janaayo, 23, 2019 (HOL)- Taliyihii hore ee ciidanka Daraawiishta Puntland, AUN Jen. Cabdullaahi Cali Mire (Carays) ayaa ku geeryooday magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlayay afka golayaasha xukuumadda Puntland ayaa ka tacsiyadeeyey geerida Alle ha u naxariistee Marxuum Jen. Cabdullaahi Carays.
Madaxweyne Deni ayaa si gaar ah tacsi ugu direy, dhammaan shacabka Soomaaliyeed , eheladii iyo qaraabadii uu ka geeryooday marxuun Jen Cabdullaahi Carays.
No comments:
Post a Comment