![](https://www.hiiraan.com/images/2019/Jan/2019123636838343119484817IMG_C927E5-12C37E-B13A94-6428F4-EBE33F-1F5DCC.jpg)
Arbaco, Janaayo 23, 2019 (HOL)- Xisbiga WADANI ayaa xukuumada usoo jeediyey lix qodob oo ay suurogal ku tahay inay doorasho ku dhacdo, waxaanay madaxweynaha ugu baaqay inuu la yimaado tanaasul iyo tudhaale bulshadeed.
Lixdaasi qodob ee uu soo jeediyey waxa ka mid ah:
“Si ay doorashooyinku inoogu qabsoomaan WADANIwaxa uu soo jeedinayaa in talaabooyinkan soo socda si degeg ah loo qaado.
1. In la soo dhiso komishanka cusub oo lagu wada kalsoon yahay, loona siman yahay.
2. In xal laga gaadho saami qaybsiga kuraasta golaha wakiilada ee gobolada.
3. In la diyaariyo miisaaniyada qabsoomida doorashooyinka.
4. In la dhamaystiro xeerarka doorashooyinka lagu gali lahaa.
5. Inta aan la dhamaystirin shuruucda doorashooyinka waa in la tixgaliyo dadka laga tiradda badan yahay,isla markaana lagu daro kootadda haweenka.
6. In la hor geeyo golaha deegaanka ee wakhtigoodu ka dhamaanayo golaha guurtidda si ay uga gutaan waajibaadkoodii dastuuriga ahaa,isla markaana lala qabto doorashada golaha wakiilada ee sanadkan dhacaysa.
No comments:
Post a Comment