1 / 3
Caption Text
2 / 3
Caption Two
3 / 3
Caption Three

  • Ra’iisul Wasaare Khayre oo Kormeeray Qaar kamid ah xarumaha Wasaaradaha




    Isniin, Janaayo, 21, 2019 (HOL)-  Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya ,Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kormeeray wasaaradaha maaliyadda, arrimaha dibdada, qorshaynta, shaqaalaha iyo hawlaha guud si uu ugu kuur galo habsami u socodka hawlaha loogu adeegayo bulshada Soomaaliyeed.

    Ra’iisul wasaaraha ayaa ugu horayn guddoomiyay kulan lagu qabtay xarunta wasaaradda maaliyadda oo looga hadlayay dardar-gelinta qorshaha cafinta daymaha lagu leeyahay dalka.

    Ra’iisul wasaaraha XFS oo sidoo kale kormeeray wasaaradaha arrimaha dibdada, qorshaynta, shaqaalaha iyo hawlaha guud, waxa wasiirada iyo uuna hawl-wadeennada  wasaaradaha faray in laba jibbaaraan fulinta shaqooyinka ay qaranka u hayaan.

    Kormeerka ayaa qayb ka ahaa hawlaha kor-joogteynta ee lagula socanayo shaqooyinka wasaaradaha xukuumadda iyo hey’adaha kale ee dawladda si loo xaqiijiyo isla xisaabtan ku salaysan daah-furnaanta iyo daah-furnaanta.
  • You might also like

    No comments:

    Post a Comment