![](https://www.hiiraan.com/images/2019/Jan/2019121636836754385408711Muqdisho-1132x670-1.jpg)
Isniin, Janaayo, 21, 2019 (HOL)- Saddex dhakhtar oo ka howlgalla Isbitaalka Muqdisho City ayaa ku dhaawacmay qarax lagu xiray baabuur oo galabta ka dhacay degmada Hodan ee caasimadda Muqdisho.
Wararka laga helay qaraxa ayaa inta ku daraya in qaraxa lagu xiray baabuurka xilli ay kubadda cagta ku ciyaarayeen dhakhaatiirta meel u dhow shaqadooda.
Hay'adda ammaanka ee dowladda Soomaaliya ma jirto warbixin ka soo baxday oo looga hadlay qaraxa, sidoo kale ma jirto cid sheegatay mas'uuliyada weerarkan.
Dhakhaatiirka ajanabiga ah ee ka howlgalla xarumaha caafimaadka ee ku yaalla caasimadda Muqdisho gaar ahaanna kuwa gaarka loo leeyahay ayaa muddooyinkii dambe ku soo badanayay Muqdisho,iyadoo dhakhaatiirka Suuriyaanka ay qayb ka yihiin xirfad-layaasha caafimaadka ee ka howlgalla isbitaallada iyo xarumaha kale ee caafimaadka.
No comments:
Post a Comment