Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Somaliya ayaa maanta waxa ay israsaaseyn ku dhexmartay gudaha suuqa Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.
Israsaaeeyntan ayaa timid kadib markii ciidanka ammaanka ay isku dayeen inay gacanta ku dhigaan rag burcad ah oo cabasho ay ka keeneen shacabka ku ganacsada suuqaasi.
Inta la xaqiijiyay iska hor imaadkan ayaa waxaa ku geeriyootay Sadddex ruux oo midi ay Haweeney tahay, halka ay ku dhaawacmeen laba qof oo kale.
Dhaq dhaqaaqa Suuqa Degmada Kaaraan ayaa hakad galay markii uu falkan dhacay, inkastoo markii dambe Suuqa dib uu u furmay.
Raggii burcada ah ayaa goobta ka baxsaday kahor inta aysan halkaasi soo gaarin ciidan gurmad ah oo wata gaadiidka dagaalka.
Masuuliyiinta Degmada Kaaraan oo tagay halkaasi ayaa sameeyay baaritaan, waxayna tilmaameen in lagu daba jiro ragga Burcada ah.
No comments:
Post a Comment